Al-Shabaab oo shaacisay magaca isqarxiyihii weerarkii Wisil

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo degaanka uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii 27-dii June, 2020 isku-qarxiyey saldhiga ciidamadda degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Sida ay warisay idaacadda ku hadasha afka maleyshiyada gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, is-miidaamiyahaas waxaa lagu magacaabaa "Sagaar Mad Huroow oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Jeeri".

Jeeri ayaa, sida ku xusan warbixinta ay faafisay warbaahinta xoogaga hubeysan, wuxuu kasoo jeedaa degmada Rabdhuure ee hoostagta goboladda Baay iyo Bakool ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Weerarka ay aroornimadii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga milatariga Soomaaliya ee Wisil ayaa lagu waramay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimashadda in ka badan 30 ruux iyo dhaawaca tobanaan kale.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa xustey in ciidamadda ay ka hortageen duulaanka ay Al-Shabaab ku ekeeyeen xerada Wisil, oo qiyaasti 60 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada xeebta leh ee Hobyo.

"Qorshaha argagixisadu wuxuu ahaa in ay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada istiraatiijiga ah ee Wisil, ayna laayaan ciidamadii halkaas ku sugnaa, isla markaana ay qabsadaan gaadiidka iyo hubka saldhigaas yaallay, balse ciidamada geesiyada ah ee Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa wax kama jiraan ka dhigay riyadii argagixisada," ayay wasaaraddu ku yiri qoraal ay soo saartey 27-kii June.

Al-Shabaab oo dhankeeda qoraal soo saartey ayaa xustey in ay dishay 30 askari oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug isla markaana ay saacado gacanta ku haayeen degaanka halkaasna ku furteen saanad ciidan.

Weerarada gaadmada ah ee isugu jira qaraxyadda ismiidaaminta iyo kuwa tooska ah ayaa kamid ah dhacdooyinka kusoo badanaya magaalooyinka Soomaaliya xilli waddanka uu aadey doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM