Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay jaajuusnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala magaaladda Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe waxay Talaaladii shalay toogatay shan ruux oo ay ku eedeysay jaajuusnimo, sidda ay warisay warbaahinta Maleyshiyadda.

Shaqsiyaadka la toogtay oo dhamaantooda rag ah ayaa xukunkaas ay ku ridday maxkamad ay maamusho xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida waxaa lagula fagaare lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow.

Ceyrow oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab waxaa duqeyn diyaaradeed ku dilay ciidamadda sidda gaarka u tababaran ee Mareykanka.

Sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka ururkan argagixisadda ah, fagaaraha dilka toogashadda lagu fulinayey waxaa goobjoog ka ahaa boqolaal dadwayne ah iyo horjoogeyaal ka tirsan maleyshiyaddan.

Iyaddoo ay calaamad su’aal dulsaaran tahay hadii eedeysaneyaasha ay heleen maxkamadeyn cadaalad ah, magacyadooda ayaa kala ah;

1- Abuukar Xasan Maxamed oo lagu sheegay 32-jir lagu eedeeyay in uu wada shaqeyn lalahaa hay'adda CIA-da

2- Mahad C/qaadir Aadan [Mahad Qaadoole], 21-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da

3-Xasan Maxamuud Maxamed [Xasan dheere], 29-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da

4- Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan, 34-jir lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa CIA-da

5-Macalin Abuukar Maxamed Calasow, 63-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da.

Eedeynta mid walba sidda gaarka ah loogu jeediyey waxaa kamid ah in ay Mareykanka ka caawiyeen beegsiga saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa Soomaaliya wuxuu ka fuliyey in ka badan 170 duqeymo oo dhanka cirka ah, iyaddoo bartilmaameedk ugu badan uu ahaa Al-Shabaab, wallow ay ku naf-waayeen in ka badan 100 rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM