​Al Shabaab oo weerarkii Afraad ka gaysatay Qoryoolay

Image

QORYOOLEY, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay GO in tiro hoobiyaal ah xalay lagu tuurey fariisinka AMISOM ee degmada, iyadoo duqeynta kadiba Iska-horimaad culus labada dhinac ku dhexmaray Qoryoolay.

Waxaa xigay madafiic ay ku jawaabeen ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo ku dhacay gudaha magaalada iyagoo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Waa weerarkii afaraad, oo Al shabaab ku qaado saldhiga AMISOM ee degmada Qoryooley, kaasoo waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah oo labadii sano ugu dambaysay xaaladoodu daganayd.

Wixii ka danbeeyay markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia la wareegeen Qoryooley 2014-kii, waxaa degamada kusoo kordhayay weerarada Al shabaab, oo ku sugan deegaanada ku dhaw.

AMISOM ayaa degan banaanka meel ka baxsan magaalada, gaar ahaan Buundada laga galo, iyadoo gudaha degmadana ay ku sugan yihiin Askar faro ku tiris ah, oo katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda waqtigeedu dhammaaday ee ku sugan Xamar, iyadoo sidoo kale aysan ka hadlay dhinacyada is haya ee Al Shabaab iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM