​Al Shabaab oo weerartay Saldhig ay leeyihiin AMISOM

Image

CEEL CALI, Somalia- Dagaalyahano katirsan Ururka Al shabaab ayaa weerar loo adeegsaday hoobiyaal ku qaadey Saldhig Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Duleedka Magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo Wareedyo ku sugan Deegaanka Ceel Cali, ayaa u GO u sheegay in xalay goor dambe maqleen daryanka Madaafiic xooggan oo lagu garaacayo Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM.

Duqeynta oo dhacday Waaberigii hore maanta oo Isniin ah, ayaa waxaa daba socday Dagaal toos ah oo Ciidamada Ethiopia iyo Al Shabaab dhexmaray, kaasoo geestay Khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku sugan Deegaanka Ceel Cali, oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed uga beegan Beledweyne, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia sameeyeen Iska-caabin, islamarkaana dib isaga riixeen xoogaga weerarka soo qaaday.

Al Shabaab waxay xustay in Tiro Hoobiyaal ah ku dhaceen Gudaha Saldhiga Ciidamada Ethiopia, islamarkaana Khasaaro gaarsiiyeen Askar badan oo halkaasi ku sugnaa.

 Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay dhinaca AMISOM, oo ku aadan Weerarka Ceel Cali iyo Khasaaraha gaarey Askarta Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM