​Al Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay qof Shacab ah, gobolka Baay

Image

DIINSOOR, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay qof Shacab ah oo ay ku eedeeyeen inuu duleedka degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay ku dilay Hal ruux Bishii lasoo dhaafay.

Maxkamadda ay leeyihiin Shabaab, ayaa sheegtay in xukunkaasi ku rideen Aadan Barrow oo 40 Jir ah, islamarkaana uu ka dhacay deegaanka Buulo Fulaay oo hoostagta degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ehelada Ninka ay dileen Al Shabaab ayaa sheegay in Wiilkooda uusan helin wax Cadaalada ah, islamarkaana xukunka lagu dilay ahaa mid hal dhinac ah, oo aan waafaqsanayn Sharciga Islaamka.

Al shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan inta badan ka fulisa xukunno  isagu jira Dil, Gacan-goyn, iyo Karbaash ay u gaystaan dadka Shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM