​Al Shabaab "Waxaan fashilinay weerar lagu qaaday Toora-Toorow"

Image

MUQDISHU- Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay inay xalay fashiliyeen weerar ciidamo Maraykan ah kusoo qaadeen deegaanka Toora-Toorow ee degmada Qoryoolay gobolka Shabeellaha Hoose.

Shabaab ayaa xusay in weerarkaasi soo qaadeen ciidamo cadadkooda ku tilmaameen 10-askari watay diyaaradaha qummaatiga u kacay, waxayna intaasi raaciyeen inay dagaal kala hortageen ka hor intaysan deegaankaasi gaarin.

Xarakada ayaa guulo ka sheegatay iska hor-imaadkaasi, waxayna xuseen inay kala hareen saanad millateri ciidaamadaasina ku khasbeen inay dib ugu laabtaan fariisinkii ay ka yimaadeen.

Waxay xuseen in khasaaro u gaysteen ciidamadaasi, waloow aysan caddayn khasaarahaasi.

Sheegashada Al Shabaab majirto ilo madaxa banaan oo xaqiijinaya, ilaa haddana kama hadlin dowladda Somalia iyo Maraykanku, laakiin waxaa hubanti ah in muddooyinkii dambe weeraro culus qaadayeen ciidamada dalka USA iyo Kumaandoosta Somalia, kuwaasi oo lagu beegsaday fariisinno xarakadu ku leedahay Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM