Al-Shabab oo weerartey saldhiga milatari ee Laanta Buur

Image

Wararka ka imanaya Gobiolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhigga miltari ee ciidamada dawladda ay ku lahaayeen Laanta Buur.

Al-Shabab maleeshiyadooda ayaa wararku sheegayaan inay laba dhinac kasoo weerareen, khasaare culusna uu halkaas ka dhacay.

Ciidanka saldhigga joogay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad.

Wararka ay sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baabuur tikniko ah ay u gacan galeen Al-Shabab.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay baabuurtaas la aadeen dhinaca magaalada Awdheegle. 

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay hub iyo saanad kale ku qabsadeen weerarka; weli ma jirto cid dawladda ka tirsan oo ka hadashay dagaalka. Al-Shabab waxay kaloo sheegatay inay dishay toban askari laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin sheegashadaas.

VOA

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM