Al-Shabaab oo ciidamo ku dishay Shabeellada Hoose

Image

18 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab dileen Sagaal askari oo ka tirsan ciidmada dowladda Somalia.

Dilka ayaa yimi ka dib weerar Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Yaaq-bariweyne oo ku yaalla gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa dhacay Saaka oo Jimca ahayd sida Garowe Online u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan halka dagaalku ka dhacay.

Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cali Nuur ayaa VOA-da u sheegay in Shabaab qabsadeen saldhigga ciidamada ee Yaaqbariweyne, isla markaana heysteen muddo kooban.

Waxa uu Cali Nuur intaas ku daray in ciidamadu dib ula wareegeen saldhigga.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ururka Al-Shabaab ayaa gubay hal gaari iyagoo kaxaystay laba kale.

Dhinaca kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dileen 13 askari oo ciidamada dowladda Somalia ka tirsan.

Shabaab ayaa waayadan dib u qabsanayay deegaanno hore looga saaray oo ku yaalla Shabellada Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay deegaanka Jannaale ka dib markii ciidamada Midowga Afrika isaga baxeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM