Al-Shabaab oo isaga baxday deegaanka Camaara Koonfurta Mudug

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa gaaray deegaanka Camaara oo dhawaan la wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen deegaanka iyadoo uusan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray iyaga dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee Camaara ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa deegaanka isaga baxday ka hor intaysan imaan ciidamada Galmudug.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwaa maamulkaasi isaga baxeen degmada ka dib khilaaf soo dhexgalay iyaga iyo mas'uuliyiinta Galmudug.

Ciidankan oo la sheegay inay gadoodeen ayaa u baxay dhanka Galinsoor, waxaana wararku tilmaamayaan inay horey uga tirsanayeen maamulkii hore ee Galmudug

Waxgaradka deegaanka deegaanka ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii loo dhameeyn laha cabashada ciidanka.

Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug kama hadlin arrinta ku saabsan gadoodka ciidanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM