Al-shabaab oo laga saaray deegaanka Ufurow ee gobolka Bay

Image

July 19, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa dagaal kula wareegey gacan ku haynta deegaanka Ufurow ee gobolka Bay.

Dagaal xooggan islamarkaana khasaare badan geystey ayaa lagu soo warramayaa in uu labada dhinac [ciidamada huwanta iyo Al-shabab] halkaas ku dhex maray.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha nafeed ee dhinacyada soo kala gaarey, haseyeeshee Xuseen Cabdi Haaruun oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in deegaanka Ufurow ay xilligan si buuxda iyagu gacanta ugu hayaan.

"ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM waxay ku guuleysteen inay kooxaha nabad-diidka ka xoreeyaan degmada Ufurow...ammaanku waa sugan yahay, xiliganna degmada anaga ayaa si buuxda gacanta ugu hayna" ayuu yiri.

Sarkaalkan ayaa dhanka kale sheegay in maalmaha soo socda ciidamada huwantu u ruuqaansan doonaan dhanka degmada Diinsoor oo iyadu ah magaalada ugu muhiimsan ee Al-shabab kaga sugan tahay gobolka Bay.

Al-shabaab oo sanado kahor si buuxda uga arrimin jirtey inta badan gobollada koonfureed ee dalka, waxay labadii sano ee ugu dambeeyey u muuqatey mid awoodeedu sii wiiqmeyso, waxaana laga saarey magaalooyin badan oo muhiim ah.

Degmada keliya ee xilligan Al-shabaab ku xooggan tahay ayaa ah degamda Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana xusid mudan in magaaladaas xilligan ay kaabiga ku hayaan ciidamo kumannaan gaaraya oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaaliya, kuwaasoo qorshahoodu yahay sidii ay Baardheere uga saari lahaayeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankooda wada dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, waxayna difaacyo badan ka sameysteen dhowr goobood oo ku yaalla duleedka Baardheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM