Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii xerada Xalane

Image

December 25, 2014 (GO)- Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo iyadu ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Af-hayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay weerarka fuliyeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo ku guuleystey inay xarunta gudaha u galaan islamarkaana diley askar badan ka tirsanaa AMISOM qaar kalena dhaawaceen.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in weerarka lagu soo beegay xilli xaflad ciidka Christmas-ka lagu xusayey gudaha xarunta ka socotey looguna aargudayey hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Cali Dheere wuxuu ugu dambeyntii ku hanjabey in weerarada caynkan ahi sii socon doonaan si joogto ahna loo bartilmaameedsan doono ciidamada shisheeye ee kusoo duuley Soomaaliy waa sida uu hadalk u dhigaye.

Dhanka kale af-hayeenka ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM Kol. Paddy Ankunda ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in uusan jirin haba yaraatee wax khasaare ah oo ciidamada AMISOM kasoo gaarey weerarkii maanta.

Xerada Xalane oo ah goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo waxay kaabiga ku haysaa garoonka diyaaradaha halkaasoo ay ku yaalaan inta badan xafiisyada hay'adaha Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka reer galbeedka.

Al-shabaab ayaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 waxaa laga saaray badi deegaanadii ay kaga sugneyd koonfurta dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM