Shabaab oo sheegatay weerarka Cadaado, DF oo war kasoo saartay

Image

June 18, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar goor hore oo saaka ahayd lala beegsaday xarunta ay magaalada Cadaado ka deggen yihiin ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab oo soo xiganeysa saraakiil sar-sare oo ka tirsan kooxda, ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen ugu yaraan afar dagaal-yahan, loona fuliyey sidii qorshuhu ahaa, waa sida Al-shabaab hadalka u dhigtaye.

Dhanka kale, af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladdu fashiliyeen weerar Al-shabaab qorsheynaysey inay la beegsato hoyga ay ergooyinku Cadaado ka deggen yihiin.

Af-hayeenku wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaasi sababay marka laga reebo kooxdii weerarka soo qaaday oo dhammaantood ay ciidamadu toogteen.

Sidoo kale, Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka ayaa u sheegtay warbaahinta Dowladda Federaalka ee Radio Muqdisho in dhammaan ergooyinku nabad qabaan, wax dhibaato ahina soo gaarin.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac, ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhacay. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee Al-shabaab ay fuliso bilihii u dambeeyey.

Ku dhowaad 400 oo qof oo isugu jira madax dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan magaalada Cadaado, halkaasoo muddo todobaadyo ah uu ka socdo wejiga labaad ee shirka  maamul u sameynta gobolka Galguduud iyo Koonfurta Mudug. Ergooyinka maanta la weeraray ayaa shalay oo Arbaco ahayd ansixiyey dastuurka uu maamulkaasi yeelan doono. HALKAN KA EEG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM