Al-shabaab oo sheegatey mas'uuliyada dadkii lagu laayey buska

Image

Sabti, November 22, 2014 [GO]-Warsaxafadeed kasoo baxey ururka Al-shabaab ayaa lagu shegeey in ururkooda ka dambeeyey weerarkii lagu qaadey saaka aroortii dad Rayid ahaa oo saarnaa Bus mareyey meel ku dhow duleedka magaalada xadka ku taal ee Mandheera.

Qoraal lasoo dhigey barta Twiter-ka kaasoo uu ku sixiixnaa afhayeenka ururkaas Cali Maxamud Raage ayaa lagu sheegey in weerarkaan ay gaysteen kooxdaan islamarkana loogu aarayey muslimiinta magaalada Mombaza kuwaasoo dhowaan waxyeelo loo gaystey waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkaan loo gaystey Baskaan oo ku sii jeedey magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu diley 28 qof kuwaasoo u badnaa shaqaale dowladeed oo rabey iney qoysaskooda lasoo qaateen fasaxyada ciida Masiixiga ee bilaha November iyo December.

Afhayeen u hadley ururka Bisha Cas oo diidey magaciisa ayaa saxafada u sheegey in dadkaan markii la laynayey loo kala saarey muslim iyo Christian.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. 

Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey. 

Hoos ka akhriso fariintaan oo ku qoran afka Ingriiska

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM