Al-shabab oo sheegatey mas'uuliyadad qaraxa hotel Central

Image

MUQDISHO Feb 20,2015 [GO]- Afhayeen u hadley ururka Al-shabaab ayaa u sheegey saxaafada iney ka dambeeyeen qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaadey maanta Hotel ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsadey baabuur qarax ka buuxo iyo qof isa soo miidaamiyey ayaa lagu qaadey hotel Cenral ee ku yaal degmada Xamar Weyne.

"waxaan dilney 20 ka tirsan saraakiisha dowladda gaalowdey, waxey isugu yimaadeen halkaas iyaga oo u maleynaya iney ka badbaadayaan mujaahidiinta." ayuu yiri afhayeen u hadley ururka Al-shabab Cabdulcasiis Muscab.

Weerarkan lala beegsadey Hotel Central ayaa wararku sheegayaan iney ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad isugu jira xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin iyo Ra'isal wasaare ku-xigeenka cusub ee dowlada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM