Al-shabaab oo soo weerartay fariisinkii ciidanka DF ee Raage Ceele

Image

July 13, 2015 (GO)- Ugu yaraan todoba qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal goor hore oo saaka ahayd ka dhacay deegaanka Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana socdey muddo labo saac ku dhow, wuxuu bilowdey kadib markii kooxo ka tirsan Shabaabku weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimo ciidamada dowladdu deegaankaas ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyaadka Al-shabaab muddo kooban la wareegeen deegaanka, inkastoo ay markii dambe dib uga baxeen.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM oo iyaguna fariisin ciidan kuleh duleedka tuulada, ayaa lagu soo warramayaa inaysan dagaalka si toos ah uga qayb gelin balse ay madaafiic soo ridayeen iyagoo sal-dhiggooda ku sugan.

Dowladdu weli wax war ah kama soo saarin dagaalka saaka dhacay, balse af-hayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegan in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Raage-Ceelle, islamarkaana khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada dowladda hub iyo gaadiidna ka qabsadeen.

Raage-Ceelle wuxuu kamid yahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo sanadkii hore Al-shabaab laga saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM