Al-Shabaab oo weerar ku dishay askar katirsan Boliiska Kenya

Image

27 December, 2015(GO)-Weerar ay fuliyeen koox katirsan xarakada Al-Shabaab ayaa lagu dilay labo sarkaal oo katirsan ciidamada Boliiska Kenya kuwaasi oo ku sugnaa xadka Somalia la wadaagto Kenya.

Kooxda ayaa ragaasi ku dishay weerar gaadmo ay oo la eegteen kolonyo ciidamada booliiska Kenya oo marayey jidka isku xira Mandera iyo Ceel Waaq, waxayna sheegteen inay qabsadeen gaari millatariga dalkaasi leeyahay.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in kooxdaasi adeegsanayeen qoryaha garabka laga tuuro, waxaana la ogayn khasaaraha dhinacooda soo gaaray.

Al-shabaab ayaa todobaadkan tiro katirsan ciidanka Boliiska Kenya ku dhisay weerar iyo qaraxyo xilli ay ku sugnaayeen xadka, halka qaybtood lagu dilay gudaha dalkaas.

Majirto wax tallaabo ah oo dowladda Kenya qaaday, balse waxay ku jirtaa feejignaa kadib markii ay heshay xog sheegaysa in dagaalo ka dhici karaan horaanta sannadka cusub gaar ahaan xilliga ciidda Cirismaska.

Tan iyo markii 2011 Millatariga Kenya soo galeen dalka Somalia waxay la kulmayeen hanjabaado iyo weeraro uga yimaada kooxda katirsan Al-Qaacidda ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM