Al-shabaab oo weerartay saldhiggii ciidanka AMISOM ee Leego

Image

June 26, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa goor hore oo saaka ahayd weerar xooggan kusoo qaadday saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal xooggan oo khasaare nafeed oo badan geystey islamarkaana socdey muddo dhowr saacadood ah ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaas ka dhacay.

Al-shabaab ayaa dagaalka guul ka sheegatey, waxayna saraakiil ka tisan oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay dileen ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa AMISOM.

Kooxd ayaa sidoo kale sheegatay inay la wareegtey gacan ku haynta deegaanka Leego, gawaari iyo hub tira badanna ay weerarkaas qabsadeen.

Marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM