Al-Shabaab oo weerartay wafdi ka socda dowlada Federaalka

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray meel qiyaastii 7 KM u jirta magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isla socda iyo kooxda Shabaab oo dhinac kale ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhashay kadib markii kolonyo ciidamada dowladda oo gelbinaayay wafdi ayaamahanba deegaanka Ceel Cali joogay ay dhexda u galeen kooxda al-Shabaab,halkaasna dagaalka uu ku billowday.

Laba askari oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku dhaawacmeen, iyadoo saraakiil dowladda ahina ay sheegeen inay khasaare kale u geysteen kooxda al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur, kana mid ahaa xubnaha wafdiga, ayaa VOA u sheegay in xaaladdu ay deggan tahay, islamarkaasina halkii lagu dagaallamay ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xigasho: VOA

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM