Al-Shabab oo 20 qof ku dishay weerar is-miidaamin

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014]- Weerar is-miidaamin ah oo loo isticmaalay gaari ayaa inta u dhaxaysa Muqdisho & Afgooye ku dilay in ka badan labaatan qof oo Shacab ah.

Weerarkan oo lala damacsanaa kolanyo gaadiidka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan labaatan qof kuwaasoo dhaawacyo kala duwan soo gaaray, waxana dhawaqa qaraxan laga maqlay guud ahaan magalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay weerarkan oo gaadiidka AMISOM lagu qaaday balse ma jirto wax khasaaro ah oo ciidankaasi kasoo gaaray.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabab Cabdicasiis Abu-Muscab oo la hadlay Kanaalka Al-Jazeera ayaa sheegay weerarkan inay ku qaadeen ciidanka AMISOM oo marayay wadada isku xirta Muqdihso iyo Afgooye isla markasna ay ku bartilmaamaysteen saraakiil Maraykank ah.

Gaadiidkan AMISOM oo la socday Gudoomiyaha Shabeeladda Hoose ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu arkay dhimashada rayid badan iyo dhaawaca Askar AMISOM ka tirsan.

Wasaradda Amniga ayaa maalin ka hor ka digtay weeraro Al-Shabab ay la beegsato xarumaha dowladda ee Muqdisho waxana la aaminsan yahay gaariga qaraxa lagu soo rakibay inuu ku socday magalada Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM iyo madaxda dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin weerarkan dadka laa yay waxana socda dadaalo ciidanku ka wadaan wadadan xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

AMISOM ayaa bilaabay howlgalka Badweynta Hindiya kaasoo xoreeyay magaalooyin muhiim ah oo gacanta horay ugu jiray ururka Al-Shabab.

Al-Shabab ayaa laga saaray Muqdisho 2011 wixii xiligaasi ka danbeyayna waxay gudaha magalada dagaal yahano ka tirsan ka fuliyeen dilal qorshaysay iyo qaraxyo saamayn ku yeeshay howlaha Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM