Al-shabaab oo galabta faaruqisay jaziiradda Kudhaa

Image

November 10, 2014 (GO)- Wararka laga helayo jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xoogagii Al-shabaab ee labo maalmood kahor halkaas qabsaday gelinkii dambe ee maanta dib gua baxeen.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la baahin ayaa GO u sheegay in Shabaabku galabta casar liiqi isaga baxeen jasiirada iyagoo horay u kaxaystay tiro dad ah oo ay xaafadaha qaar ka dhex qafaaseen.

Wararka qaar ee ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa shegaya in Shabaab ay soo wajahday cabsi ku aadan in dagaal weerar celis ah ay kala kulmaan ciidamada maamulka Jubbaland oo fadhiya duleedka Jasiirada.

Kudhaa waa jasiirad leh hal wado oo laga galo, mana lahan wado kale oo laga baxo marka laga reebo in dhanka badda lagu safro. Al-shabaab ayaa ka cabsi qabay in dagaal xoogani halkaas ku qabsado maadaama hadii ciidamada Jubaland dhanka dhulka kasoo weeraraan ciidamada Kenyana ka duqeyn karayeen dhanka cirka iyo badda labadaba.

Shir jara'id oo shalay uu qabtay af-hayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar wuxuu ku sheegay inay ciidamada Jubaland sida uga dhaqsaha badan dib ugula wareegi doonaan Kudhaa.

Wixii kasoo kordha xaalada jaziiradda Kudhaa kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM