Al-shabab oo ka baxay degmada Baraawe

Image

October 3, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabab  isaga baxeen degmada Baraawe.

Ka bixista Al-shabab ee Baraawe ayaa timid kadib markii ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM gaareen meel magaaladaas 20km u jirta.

Ciidamada isbahaysanayaa weli Baraawe gudaha uma gelin, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay magaaladaas si buuxda ula wareegaan.

Shalay ciidamada huwantu waxay la wareegeen degmada Cadale oo gobolka Shabeellada Dhexe ka tirsan masaafo 60km ahna ka durugsan Baraawe.

Baraawe waa magaaladii u dambeysey ee kooxda Al-shabab awoodeeda oo dhan isugu geysey kadib markii laga xoreeyey magaalooyin muhiim ah oo Kismaayo iyo Beledweyne kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM