Al-shabab oo la wareegtay saldhigga AMISOM ee Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Faah-faahinta laga helayo deegaanka jannaale oo qiyaastii 90-km Koonfur kaga beegagn magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen kooxda Al-shabaab saldhiga ay daganayeen ciidamada AMISOM.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatey  balse war ka soo baxay ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay dileen kudhawaad 50 askari, halka ay gacanta ku hayaan saldhigii ay weerareen.

Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay inaysan jirin wax  saldhig ah oo laga qabsadey iyo hub lagala wareegay, balse saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia ee ku sugan Janaale ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigaasi lagala waregay ciidamada Midoga Afrika.

Xaalada deeganka Jannaale aya haatan dagan waxaana goob jooge u waramay Garoweonline oo diidey in magacisa la shaaciyo uu sheegay inuu weerarku dhacay saaka xilliga Salaadda Subax oo uu ku bilowday gaari lagu ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay xero ay ku sugnaayeen ciidamo ka socda Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.

Ma ahan weerarkii ugu horeyay ee noocaan ah oo lala eegto AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM