Al-shabab oo la wareegtay saldhigga AMISOM ee Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Faah-faahinta laga helayo deegaanka jannaale oo qiyaastii 90-km Koonfur kaga beegagn magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen kooxda Al-shabaab saldhiga ay daganayeen ciidamada AMISOM.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatey  balse war ka soo baxay ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay dileen kudhawaad 50 askari, halka ay gacanta ku hayaan saldhigii ay weerareen.

Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay inaysan jirin wax  saldhig ah oo laga qabsadey iyo hub lagala wareegay, balse saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia ee ku sugan Janaale ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigaasi lagala waregay ciidamada Midoga Afrika.

Xaalada deeganka Jannaale aya haatan dagan waxaana goob jooge u waramay Garoweonline oo diidey in magacisa la shaaciyo uu sheegay inuu weerarku dhacay saaka xilliga Salaadda Subax oo uu ku bilowday gaari lagu ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay xero ay ku sugnaayeen ciidamo ka socda Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.

Ma ahan weerarkii ugu horeyay ee noocaan ah oo lala eegto AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ahmed Madobe oo sheegay in sirdoonka Jubaland uu ka sarreeyo NISA

Hadalkan ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Kismaayo.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 06:34PM

Lafta-Gareen oo u diiday wafdi Mucaarad ah inuu tago Baydhabo iyo xiisad taagan

In kasta oo maamulka Koonfur Galbeed aanu weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha loo jeediyay, haddana waxaa soo baxaya xiisado.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 01:04PM