Al-shabab oo nin saaxirnimo lagu soo eedeeyey ku toogtey Diinsoor

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay ku toogtey nin lagu soo eedeeyey inuu sixiroole yahay.

Ninka la toogtey waxaa lagu magacaabi jirey Macallin Cabdiqaadir Sheekh Aadan.

Qaadiga maxkamadda xukunka riddey ayaa sheegay in ninkaasi maxkamadda horteeda uu ka qirtey inuu sixiroole ahaa.

Boqollaal qof ayaa isugu soo ururey goobta toogashadu ka dhacday, waxaana halkaas dadweynaha kula hadlay qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale horay dil togasho ah ugu fulisey tobannaan qof oo dhallinyaro u badnaa, kuwaasoo lagu soo eedeeyey dembiyo isugu jirey basaasnimo iyo inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM