Al-shabab oo nin saaxirnimo lagu soo eedeeyey ku toogtey Diinsoor

Image

February 28, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay ku toogtey nin lagu soo eedeeyey inuu sixiroole yahay.

Ninka la toogtey waxaa lagu magacaabi jirey Macallin Cabdiqaadir Sheekh Aadan.

Qaadiga maxkamadda xukunka riddey ayaa sheegay in ninkaasi maxkamadda horteeda uu ka qirtey inuu sixiroole ahaa.

Boqollaal qof ayaa isugu soo ururey goobta toogashadu ka dhacday, waxaana halkaas dadweynaha kula hadlay qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale horay dil togasho ah ugu fulisey tobannaan qof oo dhallinyaro u badnaa, kuwaasoo lagu soo eedeeyey dembiyo isugu jirey basaasnimo iyo inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM