Baraawe: Al-shabab oo soo weeraray fariisimo ciidan

Image

February 11, 2015 (GO)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay soo weeraray fariisimo ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin tuulooyinka Marin-gubaay iyo Ambareesa oo hoos taga degmada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaal xooggan ayaa dhex maray ciidamadii ku sugnaa labadaas tuulo iyo weliba kooxihii weerarka soo qaadey, waxaana sida wararka lagu helayo jira khasaare labada dhinac soo kala gaarey inkastoo aan faah faahin dheeri ah laga haynin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalada xalay dhacay dadka ku dhintey uu kamid yahay guddoomiyihii tuulada Maringubaay.

Dhanka kale, dagaal ayaa goor hore oo saaka ah duleedka Baraawe ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii dagaalyahano Shabaabka ka tirsani jidka u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo dhanka Baraawe kasoo ruuqaansadey.

Al-shabaab ayaa labo weerar oo caynkaas ah bishan February kusoo qaaddey fariisimo ciidamada boolisku ku leeyihiin magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM