Al-Shabab oo wiil 18-jir ahaa dhagax ku dishey

Image

October 22, 2014 (GO)- Al-Shabab ayaa dhagax ku diley nin dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey inuu gabar ku kufsaday miyiga gobolka Shabeelada Hoose.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabab ee xukunkaas ridey ayaa sheegay in ninka la rajmiyey oo lagu magacaabi jirey Xasan Cali Axmed oo 18jir ahaa qirtay dembiga lagu soo eedeeyey.

Wuxuuna intaas ku daray in Xasan Cali isagoo qori adeegsanaya xoog ku kufsaday Faadumo Xasan Maxamuud oo iyaduna 28 jir ah. Gabadha la sheegay in la kufsaday waxaa loo xukumahay meher lagu qiimeeyey neef dhedig oo lo' ah.

Bishii September ee lasoo dhaafay waxaa sidan oo kale meel fagaare ah oo ku taalla degmada Baraawe inta lasoo taagay dhagax lagu diley gabar 33 jir ahayd oo maxkamadda Al-shabab xukuntay kadib markii lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf samaysay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee xukun caynkan oo kale ahi ka dhaco deegaanada Ururka Al-shabab ka arimiyo, haseyeeshee tobannaan qof oo jaasuusnimo badankooda lagu soo eedeeyey ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyey goob fagaare ah lagu toogtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM