Al-Shabab oo wiil 18-jir ahaa dhagax ku dishey

Image

October 22, 2014 (GO)- Al-Shabab ayaa dhagax ku diley nin dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey inuu gabar ku kufsaday miyiga gobolka Shabeelada Hoose.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabab ee xukunkaas ridey ayaa sheegay in ninka la rajmiyey oo lagu magacaabi jirey Xasan Cali Axmed oo 18jir ahaa qirtay dembiga lagu soo eedeeyey.

Wuxuuna intaas ku daray in Xasan Cali isagoo qori adeegsanaya xoog ku kufsaday Faadumo Xasan Maxamuud oo iyaduna 28 jir ah. Gabadha la sheegay in la kufsaday waxaa loo xukumahay meher lagu qiimeeyey neef dhedig oo lo' ah.

Bishii September ee lasoo dhaafay waxaa sidan oo kale meel fagaare ah oo ku taalla degmada Baraawe inta lasoo taagay dhagax lagu diley gabar 33 jir ahayd oo maxkamadda Al-shabab xukuntay kadib markii lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf samaysay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee xukun caynkan oo kale ahi ka dhaco deegaanada Ururka Al-shabab ka arimiyo, haseyeeshee tobannaan qof oo jaasuusnimo badankooda lagu soo eedeeyey ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyey goob fagaare ah lagu toogtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM