Al-shabaab oo xalay muddo kooban la wareegtey Wanlaweyn

Image

July 5, 2015 (GO)- Dagaalyahanno ka tisan Al-shabaab ayaa xalay muddo kooban la wareegey gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Abbaare 9:00 fiidnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa magaalada waxaa dhowr jiho kasoo galay kooxo ka tirsan Al-shabaab, waxaana dagaal muddo kooban socdey uu dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe ciidamada laga itaal roonaadey laguna khasbey inay magaalada bannaanka uga baxaan. Ma jiro wax khasaare ah oo dagaalkaas ka dhashay.

Muddo labo saac ku dhow ayey dagaal-yahannada Al-shabaab ku sugnaayeen gudaha Wanlaweyn, waxayna ka khudbeeyeen qaar kamid ah masjidyada oo xilligaas salaadii Taraawiixda lagu jirey, abbaare 11:00 habeennimo ayeyna dib magaalada uga baxeen.

Xaaladda Wanlaweyn ayaa saaka ah mid degen sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmadaas  Isaaq Maamow Caliyow, Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu saaka dib magaalada ugu soo laabteen.

Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegtay gacan ku haynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan isla gobolka Shabellada Hoose, kadib markii ay deegaanadaas faaruqiyeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Deegaanada Al-shabaab la wareegtey waxaa kamid ah Toora-Toorow, Awdheegle, Mubaarak iyo Bariire.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM