Al-shabaab oo xalay muddo kooban la wareegtey Wanlaweyn

Image

July 5, 2015 (GO)- Dagaalyahanno ka tisan Al-shabaab ayaa xalay muddo kooban la wareegey gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Abbaare 9:00 fiidnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa magaalada waxaa dhowr jiho kasoo galay kooxo ka tirsan Al-shabaab, waxaana dagaal muddo kooban socdey uu dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe ciidamada laga itaal roonaadey laguna khasbey inay magaalada bannaanka uga baxaan. Ma jiro wax khasaare ah oo dagaalkaas ka dhashay.

Muddo labo saac ku dhow ayey dagaal-yahannada Al-shabaab ku sugnaayeen gudaha Wanlaweyn, waxayna ka khudbeeyeen qaar kamid ah masjidyada oo xilligaas salaadii Taraawiixda lagu jirey, abbaare 11:00 habeennimo ayeyna dib magaalada uga baxeen.

Xaaladda Wanlaweyn ayaa saaka ah mid degen sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmadaas  Isaaq Maamow Caliyow, Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu saaka dib magaalada ugu soo laabteen.

Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegtay gacan ku haynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan isla gobolka Shabellada Hoose, kadib markii ay deegaanadaas faaruqiyeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Deegaanada Al-shabaab la wareegtey waxaa kamid ah Toora-Toorow, Awdheegle, Mubaarak iyo Bariire.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM