​AMISOM oo afar qof ku dishay Buulo-mareer

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magalada Buulo-mareer gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM toogteen afar qof oo ay ku jireen hooyo da'a ah iyo ilmo sagaal sano jira.

Dadkan ayaa la dilay xilli ay u socdeen magalada Muqdishu iyago ka baxay magalada Buulo-mareer.

Majirto sabab cad oo dadkaasi loo dilay, waxaana ka dhashay falkaasi banaanbaxyo ay sameeyay shacabka deegaanka iyagoo ku mudaharaaday ciimada AMISOM.

Cabdiwaaxid Macalim Ibraahim oo hooyadii iyo gabar uu dhalay kamid ahaayeen afartii qof ee la dilay, wuxuu BBC-da u sheegay in tallaabadan loo fuliyay qaab arxan darro ah isagoo sheegay inay in afarta qof ahaayeen Hooyadii oo 80-sano jir ah, gabar uu dhalay iyo labo wiil oo saaxiibadiis ah.

Wuxuu sheegay inay dilku ka dhacay tuleed maglaada, wuxuuna intaasi raaciyay xaaladdu kacsantahay.

Ciidamada AMISOM, ayuu tilmaamay inay falkaasi ka gaabsadeen islamarkaana ay caado u tahay dilka shacabka, isagoo xusay inay soo gaareen goobta ciidamo dowladda katirsan.

Hadda ka hor ayay ahayd markii gobolka Shabeellaha hoose ciidamada AMISOM sidaan oo kale ugu dileen 9 qof oo isku qoys ah, mana jirto waxa tallaabo ah oo dowladda Somalia ka qaado tacadiyada lagu hayo shacabka, balse waxaa lagu soo koobaan raali galin iyo inay u dhaceen si khalad ah.

AMISOM, ayaa Somalia u jooga nabad ilaalin iyo ka sifeeyaan dalka mallayshiyaadka Shabaab kwaasoo dagaal kula jira dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM