​AMISOM oo Dib Ula Wareegtay Magaalada Marka

Image

MARKA- Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika kasocda ee AMISOM, ayaa saaka dib ugu laabtay magalada Marka gobolka Shabeellaha hoose kadib bixitaankooda shalay. 

Dagaal ayaa dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Al-Shabaab oo degmada shalay lawareegay kuwaas oo saldhigyo kala duwan ka samaystay magalada. 

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo sheegayaa, waxaana jira xabado goos-goos ah oo laga maqlayo gudaha Marka, waxaana wararka aan helayno sheegayaa in mid kamid ah qabaa'ilka daga xarunta Shabeellah hoose gaar ahaa Biyo-maalku taageero millateri iyo mid dhaqaale siiyeen ururka iyagoo shalay si weyn usoo dhaweeyay. 

Lama garankaro sababta ku kaliftay taageerada Shabaab siiyeen, balse qabiilkan ayaa horay tabashooyin uga muujinayay dowladda Somalia. 

Mallayshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in guud ahaanba kabaxeen Marka, waxaase cabsi xooggan qaba shacabka ku dhaqan magalada kuwaas oo qaybtood lasoo warinayo inay u qaxeen deegaanada ka agdhow magalada xeebta dhacda. 

Shalay 05 Febraayo, 2016, ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia kabaxeen magalada ay la wareegeen, waxaana la ogayn sababta markii hore kaliftay inay faarujiyaan xaruntan muhiimka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM