AMISOM oo ka baxday qeybo ka mid ah Shabeellada hoose

Image

05 September, 2015(GO)-Ciidama AMISOM ayaa isaga baxay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada hoose sababo aan wali la shaacin.

Degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel Saliindi oo ay faarujiyeen AMISOM waxaa dib u qabsadey ururka Al-shabaab oo boqolaal dadweynaha ah kula hadlay fagaarayaal iyagoo sheegaya inay sii wadayaan dagaalka ay ku hayaa ciidamada Midowga Afrika.

Ilaa hadda mar jirto wax war ah oo ka soo baxay DFS iyo taliska ciidamada AMISOM oo  la xiriirta sababaha ciidamadani uga baxeen goobahaasi.

Degmada Kuntu-waarey ayaa ka mid aheyd degmooyinkii sanadkii hore  soo galay gacanta ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM, waxaan bixitaankoodu ku soo beegmaysa xilli ay jiraan weeraro Al-shabaab ay la beegsanayaan Saldhigyada ciidama AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM