​AMISOM oo kala dhex-gashay mallayshiyo ku dagaallamay Baladweyne

Image
Image

BALADWEYNE- Ciidamo kasocda dalka Jabuti oo qayb ka ah AMISOM, ayaa ku guulaystay inay hakiyaan dagaal labo maalin kasocday xarunta gobolka Hiiraan ee magalada Jowhar, kaasi oo u dhaxeeyay labo mallayshiyo beeleed dhawr jeer dagaallamay.

AMISOM, ayaa tallaabadan qaaday kadib markii xaaladdu adkaatay islamarkaana hakad galay isu socodka bulshada iyo gaadiidka, halka waxgaradku cadaadis ku saareen inay go'aankaasi qaataan maadama labo maalin magaladu go'doon ku jirtay.

Khasaaro xooggan ayaa dagaalkaasi ka dhashay, waxaana dhimashada la xaqiijiyay 8 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah, halka dhaawaco kor u dhaafay 10 ruux.

Nabadoon Xirsi Nuur Dacar, oo kamid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa Radio Garowe, u sheegay in dagaalka kasocda magalada uu yahay mid siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu dhammeeyo umadda gobolka dagan, isagoo carrabka ku dhuftay inay ku lug leedahay dowladda Federalka Somalia.

Wuxuu sheegay inay u tageen maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM oo ay kala hadleen xaaladda magalada ka jirta, balse ay si cad u diideen, waloow u xusay inay ka rajo dhigin qaabkii xiisadda iyagu joojin lahaayeen.

Dacar ayaa tilmaamay inay la kulmeen mallayshiyaadka dagaallamaya waxgaradkooda islamarkaana ay kala hadleen sidii ay gogol nabadeed mar kale isugu imaan lahaayeen, wuxuuna xusay inay aqbaleen, balse arrimo farsamo weli harsantahay.

Dagaalkan ayaa gaaray miyiga gobolka Hiiraan, waxaan siyaabo kala duwan dad shacab ah loogu dilay nawaaxiga Baladweyne, dilalkaasi oo la xiriira aanooyin qabiil.

Dhawr jeer oo hore ayay dagaallameen labadaasi beelood iyagoo iska dilay dad badan, balse dadaalo waxgaradku sameeyeen waxaa lagu guulaystay in la hakiyo oo hishiis labadaasi beelood lakala dhex dhigo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM