​AMISOM oo la wareegtay Amniga goobaha doorashada Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Gudiga Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in maanta oo Talaado ah dib loo billaabay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose, oo mudo 5 maamlood ah u xirnayd Khilaaf iyo Isqab-qabsi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxa'ed Cabdillaahi Xuseen Nuux, ayaa mas'uul ka ahaa Hakadka Doorashada Aqalka Hoose ee Hir-Shabeelle, kadib markii ciidan uu wato ay Fowdo sameeyeen.

Khilaafka keenay dib u dhaca Doorashada, ayaa la sheegay in la xaliyay kadib markii ay dadaallo sameeyeen Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Somalia ee waqtigu ka dhammaaday, AMISOM, UN-ka iyo maamulka Hir-Shabeelle.

Dhanka kale, Ciidamo ka socdo dalka Burundi, oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ayaa saakay la wareegay Mas'uuliyadda amniga xarunta Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ee magaalada Jowhar.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socdo dalka, ayaa aad loogu dhaliiyay Musuq-maasuq, Cod-gadasho iyo Handadaad lagu sameynayo Ergada Beelaha ee ka qeybgalaya Doorashada.

Doorashada Aqalka Hoose oo mudo 15 maalmood ka socoto Caasimadaha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle ayaa ilaa hadda waxaa lagu doortay ku dhawaad 120 Xildhibaan, oo ka qeyb ah 275-ka Xubnood ee Baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM