AMISOM oo lagu weeraray Shabeelada hoose

Image

1 September, 2015(GO)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Jannaale ee gobolka Shabellada hoose ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaamin ah lagu weeraray saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Werarka ayaa dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa gaari  laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo gudaha u galay saldhiga.

Illaa haatan lama hayo wax faahfaahin ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka..

June 26-keedii ayay ahayd markii maleeshiyaadka ururka Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo ku yaallay magaalada Leego, waxayna goobtaas ku dileen in ka badan 50 askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM