​AMISOM oo lix hor-jooge ka dishay Shabaab

Image

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska AMISOM Somalia ayaa lagu sheegay in ciidankoodu dileen lix taliye katirsan ururka Shabaab ee ka dagaallamay dalka Somalia, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in xubnahaasi lagu dilay waqtiyo kala duwan iyo goobo kala gadisan.

Mid ka mid ah horjooegeyaashaas oo lagu magacaabay Abdirashid Bugdube, ayaa AMISOM tilmaamtay, in lagu dilay degmada Janaale gobolka Shabeellada Hoose, labadii bishan April.

Qoraalka ayaa lagu tilmaamay in hor-joogayaasha kale ee la dilay kala yihiin Aden Bale, oo ahaa taliyihii Al-Shabaab ee Leego, Sheekh Maxamed Cali, oo ahaa taliye ku xigeenkii Al-Shabaab ee Janaale, Maxamed Abribao oo ahaa xaakimkii Al-Shabaab ee Janaale iyo Xasan Cali Dhoore oo madax ka ahaa amniyadka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeedka ayaa AMISOM sidoo kale ku muujiysay inay dileen laba nin oo ajnabi ah, kuwaasi oo kala ah, Abu Islam oo ahaa khabiir dhinaca walxaha qarxa ah una dashay dalka Yemen, iyo Sheekh Mansuur oo ahaa Kenyan madax ka ahaa tababarada Al-Shabaab.

Qoraalkan ilaa hadda kama  hadlin ururka Al-Shabaab, waxaana lagu soo beegan xilli deegaanka Jannaale ku laabtay gacanta dowladda islamarkaan gobolka Shabeellaha hoose kasocdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deegaano ku suganyihiin xarakadaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM