​AMISOM oo magdhow ka bixinaysa dhibaatada ka timaada howlgalkooda

Image

MUQDUSHU, Somalia- Howlgalka Midowga Africa ee Somalia (AMISOM) ayaa shaaciysay inay magdhow bixinayaan khasaaraha shacabka Somaliyeed kasoo gaarey Howlgalka ciidamadoodu sameeyeen.

Jide Okeke, oo ah mas'uul katirsan Midowga Africa, ayaa sheegay in mag-dhaw bixinta ay xoojinayso xariirka u dhaxeey ciidamada AMISOM iyo Dadka Shacabka ah ee ku noo Goobaha howlgalka kawadaan.

"Tallaabadan aan ku bixinayno Mag-dhawga waa qeyb kamid ah dadaalkeena aan ku doonayno inaanku kasbano qalbiga Bulshada Soomaaliyeed, si aan uga adkaano Al Shabaab," Ayuu yiri Jide Okeke.

Kulan ay Muqdushu ku yeesheen Saraakiisha AMISOM qaybaheeda kala duwan ayay ku soo saareen go'aanka Mag-dhawga lagu siinayo dadka dhibaatada kasoo gaartay Howlgallada, waxaana loo gudbiyay Codsi Midowga Africa si uu usoo ansixiyo Todobaadyada soo socdo.

Waa Tallaabadii ugu horeysay oo gudaha Qaarada Africa, shacab mag-dhaw laga siinayo khasaaraha kasoo gaara ciidamada howlgalka Midowga Africa dalalka Somalia kamid tahay.

AMISOM waxay sheegtay inay baaritaano dhab ah ku samaynayso dadka dhibaatada ay gaarsiiyeen ciidamadooda, islamarkaana dadkaasi ay siin doonaan mag-dhaw lacageed.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM