​AMISOM oo Shabaab ku dishay Shabeellaha hoose

Image

BARIIRE, Somalia- War kasoo baxay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Somalia,  ayaa lagu sheegay inay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 12 katirsanaa Kooxda Al Shabaab oo ay ku jiraan hor-joogayaal sar-sare.

Ciidamada AMISOM ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Malleeshiyaad katirsan Al Shabaab xilli ay kasoo baxeen duleedka Lambar-konton, kuna sii jeeday Deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah, oo AMISOM soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay Hub badan uga qabsadeen Al Shabaab weerarka ka dhacay inta u dhaxaysa Lambar-Konton iyo Deegaandaka Bariire.

AMISOM, ayaa intaas ku dartay in dagaalkaas lagu jabiyay Shabaab islamarkaana ay galeen deegaanka kale, halkaas oo ay ku qur-gooyeen labo qof oo shacab ah.

Kooxda Al Shabaab, ayaa wali ku sugan gobollo kamid ah dalka Somalia ee dhaca Koonfurta, waxaana inta badan dagaallo dhexmaraan ciidamada AMISOM iyo mallayshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah meelaha ay aadka uga gaystaan weerada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwada Midowga Africa.

Dalka Somalia, ayaa hadda galaya marxalad kala guur ah, waxaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo oo qorshuhu yahay inay dhacdo sannadkan dabayaaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM