AMISOM oo soo ceshatay saldhigooda Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Ciidamada AMISOM ayaa dib u qabsaday deegaanka Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose  oo  gacan ku dhigeen maanta kooxda Al-shabaab.

Gurmad ciidan oo ka yimid Qoryooley iyo Shalanbood ayaa keenay inay dib u soo ceshadaan saldhiga ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaansi.

Xaaladda deegaanka ayaa kacsantahay, waxaana la dareemayaa barakaca shacabka madaama uu u jiro dhaq-dhaqaaqyo cidan sida ay ku soo waramayaan goob joogayaal ku sugan Jannaale.

Saaka ayay ahayd markii gacan ku haynta deegaanka ay la wareegeen kooxda Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ay ku lahaayeen gobolka Shabeelada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles