AMISOM oo soo ceshatay saldhigooda Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Ciidamada AMISOM ayaa dib u qabsaday deegaanka Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose  oo  gacan ku dhigeen maanta kooxda Al-shabaab.

Gurmad ciidan oo ka yimid Qoryooley iyo Shalanbood ayaa keenay inay dib u soo ceshadaan saldhiga ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaansi.

Xaaladda deegaanka ayaa kacsantahay, waxaana la dareemayaa barakaca shacabka madaama uu u jiro dhaq-dhaqaaqyo cidan sida ay ku soo waramayaan goob joogayaal ku sugan Jannaale.

Saaka ayay ahayd markii gacan ku haynta deegaanka ay la wareegeen kooxda Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ay ku lahaayeen gobolka Shabeelada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM