Aragtida doorashada 2016 oo kala duwan Kismayo iyo Cadaado

Image

17 November, 2015(GO)-Dalka Somalia sannadka dambe waxaa ka dhici doonta sida la qorsheeyay doorasho aan ahayn hal cod iyo qof, waxaana socoda dadaalo lagu doonayo qaabkii loo heli aragtida shacabka ee doorashadaasi.

Magalooyinka waaweyn ee Somalia, sida Kismayo, Muqdishu, Cadaado, Garowe, Qardho iyo Bosaso, waxaa shalay ka fumray shirar loo qaybtay Ergooyin la soo xulay, kuwaasi oo la weydiinayay nidaamka ugu haboon ee la qaato si dalka Somalia 2016 doorasho uga dhacdo.

Aragtida shacabka oo la siiyay labo maalin ayaa waxaa soo baxay fikirada shacabka ku nool maamullada Jubbaland iyo Galmudug, ka dib markii la soo xiray kulamada arrimahaasi looga hadlayay.

Ergada shirka loogu qabtay magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay doorashada in lagu saleeyo nidaamka degmooyinka lagu soo xulo Xildhibaanada, halka Ergada Cadaado ku shirtay sheegeen inay doonayaan habka qabaliga ah 4.5 oo looga gudbay shirar ka dhacay Garowe.

Aragtida shacabka shirka loogu qabtay magalooyinka Puntland ayaa weli la shaacin, waxaana madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole oo ka hor intaan la xirin shirka saxaafadda la hadlay, ayaa tilmaamay in shacabku qaataan habka degmooyinka.

Waxaa xaqiiqo ah in shirarkan ka maqnayn faragalinta dowladda dhexe ee Somalia, taasi oo doonaysa in dalka doorashadiisa laga dhigo nidaam soo celin kara madaxda haatan dalka Joogta.

Ergooyinka matalaya Shacabka ee shirarka loo qabtay ayaa la siin xog ku aadan waxa laga hadlayo iyo xaqiiqada ka dambaysa, halka kuwa kale siyaasiyiin dano lihi wataan in lagu noqdo hab aan dastuurka dalka Somalia ku dhignayn oo ah 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM