Askar Ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu xakumey xabsi kala duwan

Image

MUQDISHO — Sagaal ka mid ah askarta Uganda ee ka tirsan howlgalka Amisom ayaa xabsi lagu xukumay sababo la xiriira,“si xun u dhaqankooda” sida lagu sheegay war kasoo baxay Amisom.

Askartan ayaa waxaa lagu xiray dambi ah “inay ku lug lahaayeen ceersashada dano shaqsiyeed oo halis ku ah wax ku oolnimada ciidamada difaaca Uganda.” 

Sagaalka askari ee xabsiga lagu xukumay ayaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan Amisom oo bishii June lagu xiray Muqdisho, xilli ay ku guda jireen iibsashada shidaalka ciidamada Amisom.

Maxkamad milatari oo ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa askartan ku ridday xukunka xabsi oo u dhaxeeya hal illaa saddex sano. 

Ka sokow askarta xabsiga lagu xukumay, saddex askari oo kale ayaa sidoo kale laga eryey ciidanka, ayaga oo aan heli doonin wax lacag ah oo ku saabsan muddadii ay ciidanka u shaqeynayeen. 

Askarta loo xiray falkan dambiga ah bishii June ayaa ahaa shan askari, hase yeeshee baaritaan kadib ayaa la ogaaday in tirada guud ee askarta ku lugta leh falkan ay ahaayeen 18 askari, ayada oo lix ka mid ah dambiga lagu waayey.

VOA

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM