Askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo xabsi lagu xukumay

Image
Image
Image
Image
Image

08 Octobar, 2015(GO)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Somalia ayaa maanta xukun dhan 10 sano ku riday aska ka tirsan dowladda.

Saddex ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa lagu helay sida maxkamadu sheegtay fududaynta maandooriye la geyn jiray magalada Muqdishu, waxaana maxkamadayntu ka dhacday magalada Jowhar.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay arrinka lagu xukumay saddexda nin.

Deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe, waxaa si qarsoodi ah loogu beeraa geedka Xashiishada, waxaan Gudoomiyaha gobolkaasi Cali Cabdullahi Xuseen  sheegay cidii lagu helo iyagoo beeraya in maxkamada la soo taagi doono.

Goob fagaaro ah ayaa sidoo kale lagu gubay maandooriye gacanta ku soo dhigeen ciidanka qalabka sida ee degmada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM