​Awdheegle iyo Bariire oo laga qaxay

Image

MUQDISHU- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Somalia, ayaa sheegaya inay ka jirto xaalad adag oo bini aadannimo kadib howlgal muddooyinkii u dambeeyay kasocday kaasi oo ay fulinayeen ciidamo wadajir ah oo katirsan dowladda Somalia, AMISOM iyo dalka Maraykanka.

Weeraradaasi, ayaa lagu qaaday saldhigyo iyo degmooyin xarakadaasi ku sugnaayeen, waxaana saraakiisha dowladdu ka sheegteen guulo waaweyn iyagoo xusay in kooxda Shabaab lagu jabiyay howlgalladaasi.

Balse, weeraradan, ayaa saamayn xooggan u gaystay dadka shacabka ah, waxaana lagusoo waramayaa inay guud ahaan degmada Awdheegle iyo Bariire dadkii ku sugnaa ka qaxeen islamarkaana ku dhibaataysanyihiin miyiga deegaanadaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka da'een roobab xoggan.

Gudoomiyihii hore gobolka Shabeellaha hoose Cabdulqaadir Nuur (Siidii), ayaa soo dhaweyay duqaynta lagu hayo kooxda Shabaab, balse wuxuu xusay inay rafaadsanyihiin shacabka goobihii la duqeeyay daganaa.

Wuxuu tilmaamay inay u barakaceen goobaha miyiga ah, islamarkaana haysato rafaad xoggan dhinaca nolasha.

Ururka Shabaab, ayaa ku dhaliilay ka qayb qaadasha qaxa shacabka, wuxuuna dowladda Somalia ka codsaday inay samayso qorshe dagaal oo dhulka ah.

Gobolka, ayuu xusay in muddo dheer hoy u ahaa mallayshiyaadka Shabaab, oo uu tilmaamay inuu ahaa goobaha ay ka abaabulaan dagaallada islamarkaana ku dhuumaalaystaan.

Guddoomiyihii hore Shabeellaha hose oo u waramay VOA, ayaa xusay in wax loo qabto dadka tabaalaysan.

Ilaa dhawr jeer oo kala duwan ayaa duqaymo dagaallo kala duwan ka dhaceen gobolkan, waxaana door weyn howlgalka ku lahaa diyaarado iyo ciidamo kasocda Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM