Axmad Madoobe oo dalbadey in xilka la korhdiyo [Dhageyso]

Image

August 2,2015 (GO)- Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa ka codsaday Baarlamaanka in dib loo dhigo xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxtinimo ee deegaanadaasi.

Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu qoraal uu ku codsanayo dib u dhigista waqtiga doorashada inuu u gudbiyey gudoonka baarlamaanka Jubbaland, wuxuuna xusay inuusan dooneen mudo kororsi balse wuxuu tibaaxay in waqtiga la cayimay ee ah 15ka bishan ineysan suurtagal ahayn in lagu diyaar garoobo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu tixgalin doono go’aanka baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Shiikh Cabdi ayaa shalay iclaamiyey in doorashada Jubbaland la qabanayo 15 August,2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM