Axmed Madoobe iyo Keating oo kawada hadlay doorashada

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa saaka kulan kuwada qaatay  Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo iyagoo saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay kawada xaajoodeen.

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay in Somalia hormar laxaadle kasocdo, wuxuuna ammaanay soo kabashada buuxda ee kasocota magaalada Kismayo.

“Iyadoo Afar Sano oo kaliyah ay Al.shabaab ka Xoraysan tahay Magaalada Kismaayo Jubbalan-na ay jirto Afar Sano oo kaliyah waxaa muuqda Hormar filan waa ah oo dhinacyada Nabadgalyada Maamulka suuban iyo dib u dhiska ah” ayuu yiri Michael Keating

Dowlada Federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah ayuu xusay inay kaalmo la garab taagan yihiin isagoo intaasi ku daray in loo baahanyahay sidii diiradda loo saari lahaa hormarka gobollada oo dhan gaara, wuxuuna xusay in dalka Somalia ka dhici doonto doorasho taasoo uu rajeeyay in waqtigeeda la qabto.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa tilmaamay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay kawada hadleen arrimo badan oo dhinaca amaanka si gaar ah diirada u saareen isagoo Soomaaliya u rajeeyay Nabad iyo Homar.

Madoobe ayaa xusay inay muhiim tahay iskaashi dhinac nabadgalyada ah kaasoo ka dhaca gobolka, wuxuuna ku baaqay in dagaal ka dhan ah Al Shabaab loo midoobo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM