Axmed Madoobe oo Kismaanyo ku laabtey

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaaa maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaanyo ee xarunta maamulkaasi.

Garoonka diyaaradaha Kismaanyo waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxayna la kulmeen madax ka tirsan dalkaasi kadib doorashadii madaxtino ee uu dhawaan ku guuleeystey.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta booqdey xarunta Jaamacadda Kismaanyo oo dhawaan lagu qarxiyay ciidamo ka tirsan kuwa Somalia oo halkaasi tababar uga socdey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM