Axmed Madoobe oo Kismaanyo ku laabtey

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaaa maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaanyo ee xarunta maamulkaasi.

Garoonka diyaaradaha Kismaanyo waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxayna la kulmeen madax ka tirsan dalkaasi kadib doorashadii madaxtino ee uu dhawaan ku guuleeystey.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta booqdey xarunta Jaamacadda Kismaanyo oo dhawaan lagu qarxiyay ciidamo ka tirsan kuwa Somalia oo halkaasi tababar uga socdey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM