Axmed Madoobe oo loo kordhiyay waqtiga dhismaha golaha Xukuumadda

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Barlamanka maamulka Jubbaland ayaa cod gacan taag ah waqtigii ugu kordhiyay Madaxweyne Axmed Madoobe si uu u soo dhiso golihiisa Xukuumadda, ka dib markii uu dhammaaday waqtigii hore ee la siiyay.

Kulan Xildhibaanadu ku yeesheen magalada Kismayo, ayaa waxaa u codeeyay muddo kordhintan 54 mudane, saddex ayaa ka aamusay, labo xildhina waa diideen.

Aadan Khaliif Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Barlamanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay muddo kordhinta, waaxuuna u soo jeediyay Axmed Maxamed Islaam in golihiisa wasiirada ku soo magacaabo muddo dhan labo bilood.

Xildhibaanada ayaa horey muddo kordhin ugu sameeyay Axmed Modoobe, balse waqtiga ayaa ka idlaaday xillii uusan soo dhisin xukuumadda Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM