Axmed Madoobe oo sheegay go'aanka ugu dambeya Somalia in Kismayo lagu gaarayo

Image
Image
Image
Image

18 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" oo maanta dib ugu laabtay magalada Ksimayo ayaa ka hadlay safarkiisa Muqdishu iyo waxyaabihii ka madaxdu isla meel dhigeen.

Wuxuu sheegay xilli uu waraysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka maamulkaasi inaysan jirin qorshe cad oo ay la soo noqdeen madaxda xarunta Somalia isugu tagtay, marka laga reebo Jubbaland oo nasiib u yeelatay in lagu qabto shirka go'aaminta hiigsiga 2016.

“Ma filayo in ay jirto cid ka mid ah hoggaamiyeyaashii meesha isugu tagtay oo inta dadkii ay ka timid u laabata oran karta waxaan idiin keeney wixii aad codsateen, balse reer Jubbaland ayaa ugu roon oo gogoshii wax lagu go’aamin lahaa lasoo laabtay" Ayuu yiri Madoobe.

Waxaa ka hadlay nabadayntii uu tagay magalada Galkacyo isagoo sheegay in laga gaaray guulo muhiim ah.

"10kii askari ee koofiyadda gaduudneyd ee aan halkan ka watay ayaa meesha ka ahaa ciidamada UN-ka..., runtiina taasi waxa ay muujineysaa biseylka ay Somali gaartay oo ah in maanta dhexdeena aan xalisan karn khilaafaadka jira" Ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.

Shacabka Jubbaland ayuu Axmed Madoobe ugu baaqay inay gacan ka gaystaan diyaar garowga shirka Kismayo ka dhacay horaanta Jannaayo, wuxuuna sheegay inay tahay halka lagu go'aamin doono aayaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM