Axmed Madoobe oo waxqabad balaaran balan qaaday [Dhageyso]

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada caleema saarkiisa ayaa balan qaaday ilaa hada waxqabad balaaran sameyn doono 4-ta sano ee nagu soo aadan.

Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday balaarinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dibu dhiska goobaha muhiimka ah ee dawladda Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in ay dhawaan xoreyn doonaan deegaanada Jubbaland ee ka maqan gacantooda, wuxuuna ka codsaday dawladda Faderaalka, AMISOM iyo dawladdaha taageera Jubbaland in ay dadajiyaan qorshaha gacanta cadowga looga saarayo magaalada Bu’aale.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Jubbaland ciidamadeedu diyaar yihiin oo ay sugayaan dhaqaaqa iyo diyaargarowga howlgalka mdowga Africa iyo dawladda Somalia, isagoo sheegay in loo baahan yahay in aan waqti dheeraad ah la siin cadowga oo dhib ku haya dadka deegaanka.

Dhanka Siyaasada ayuu sheegay ilaa hada mdaxweynuhu in uu xooga saari doono sidii Jubbaland ay u noqon lahayd meel looga daydo maamul wanaaga, isagoo sheegay in aysan jirin bulshada Jubbaland mid ka maqnaa madasha caleema saarka, wuxuuna taasi ku tilmaamey dadaal ay galiyeen sidii  isku dhinac loogu dhaqaaqi lahaa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay door lama ilaawan ah arrintan ka qaateen dawladdaha gobolka, gaar ahaana urur gobaleedka IGAD oo uu sheegay in uu dadaal dheeraad ah ku bixiyey sidii loo dhameyn lahaa wax kasta oo khilaaf ahaa oo dhexmaray Siyaasiinta Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 02:19PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 12:49PM