​Baabuur qarax siday oo Muqdishu lagu qabtay

Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada nabadgalyada magalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa gacanta ku dhigay gaari siday agabyada qarxa iyo shakhsiyaad la sheegay inay ku lug lahaayeen arrintaasi baabuurkana watay.

Gaarigan ayaa lagu qabtay degmada Dayniile gaar ahaan xaafadda Ciise Cabdi, waxaana howlgalkaasi fuliyay ciidamada Nabadsugidda Somalia ee NISA, kuwaasoo tilmaamay inay baaritaan ku samaynayaan dadka oo ay xuseen inay xiriir la leeyihiin xarakada Shabaab.

Ciidamada, ayaa sheegay in baabuurkan la doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka Somaliyeed, waxayna tilmaameen in tallaabadaan la qaaday kadib markii xog laga helay shacabka degmadaasi.

Agabka baabuurka lagu qabtay, waxaa ku jiray rasaasta hubka qaybihiisa kala duwan, qoryahay fudud gaar ahaan AK47 iyo gaaska loo isticmaalo dabka, kaasoo ciidamadu tilamaameen in u adeegsadaan qaabkii u siyaadin lahaa waxyeellada qaraxaasi ka dhasha.

Waa markii saddexaad gaari caynkan oo kale sida waxyaabaha qarxa lagu qabtay magalada Muqdishu labadii bilood ee ugu dambaysay, wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu siyaaday weerarada qorshaysan ee loo gaysanayo shacabka Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM