Ban Ki Moon iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaarey

Image

October 29, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaarey wafdi balaaran oo hogaaminayo Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Wafdiga oo dhowr xubnood ka kooban waxaa kamid ah gudoomiyaha bangiga caalamiga ah iyo weliba xubno ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Ban Ki Moon  ayaa mudada kooban ee  Muqdisho uu ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu xarigga ka jari doonaa dhismaha cusub ee UNSOM halkaasoo hadda kadib si toos ah ugu hawlgeli doono ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Amaanka Muqdisho maanta si weyn baa loo adkeeyey, waxaana la xiray inta badan jidadka soo gala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waa markii labaad ee Ban Ki Moon muddo sadex sano gudahood ah booqasho kusoo gaaro magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya.

Kahor intuusan Soomaaliya soo gaarin Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu soo maray dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM