Banaan bax ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Image

06 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Muqdisho ka dhacay banaan bax ay dhigayeen dad u badnaa haween oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir waxayna ka soo horjeedeen weerarkii lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale.

Mudaharaadayaasha ayaa watey boorar ay ku qornaayeen qoraalo ka dhan ah Al-shabaab iyagoo socod ku soo marey degmada Cabdicasiis oo banaan baxan lagu qabtey.

Arintan ayaa u muuqatey mid lasoo abaabulay waxaana horkacaysay hay’adda Wada hadalka Bulshada ee lagu magacaabo CCD.

Banaan baxan ayaa ku soo aadaya xilli dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay maanta dib ula wareegay deegaanka Buq-Aqable oo dhaca Galbeedka gobolka Hiiraan, halkaasoo bishii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Qabsashada Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadamo Itoobiyaan ah oo halkaasi ku sugan ay ka baxeen saaka aroortii.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay ka guureen saldhigoodii deegaanka Buq Aqable, balse ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaano u dhow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM