Banaan bax looga soo horjeedo weerarkii hotelka Saxafi oo Muqdishu ka dhacay

Image

04 November, 2015(GO)-Waxaa manta magalada Muqdishu lagu qabtay banaan bax looga soo horjeedo weerarkii dhawaan ururka Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Saxafi.

Dadka banaan baxa samaynayay oo u badnaa haween,ayaa watay boorar lagu dhigay erayo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxayna socod dheer ku soo mareen inta u dhaxaysa degmada Shingani ilaa xarunta dowladda hoose  Xamar.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxayna shacabka dibad baxa sameeyay ka codsadeen inay soo sheegaan xogaha dadka Muqdishu ka wada amni darada, si dowladdu uga hortagto weeraro Al-Shabaab ka gaystaan goobaha muhiimka ah.

Axaddii la soo dhaafay ayay ahayd markii ururka Al-Shabaab weeraro ismiidaamin ah ka gaysteen hotelka Saxafi oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa horay xilal u soo qabtay.

Weerarka ayaa gaystay saamayn ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur soo gaaray hotelka iyo dhismayaal ka ag dhawaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM